Ruushka iyo Ukraine oo isweydaarsaday 300 oo maxbuus

0
173

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalalka Ruushka iyo Ukraine ayaa si lama filaan ah isu dhaafsaday ku dhowaad 300 oo qof, taasoo ah isku daygii ugu weynaa tan iyo duulaanka Moscow ee bilowday 7 bilood ka hor.

Dadka la sii daayay ayaa waxaa ku jira maxaabiis laga soo qabtay dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo Marooko, kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah kaddib markii laga soo qabtay dalka Ukraine,kuwaas oo lagu eedeeyay inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal.

Ruushka ayaa sidoo kale sii daayay ilaa 215 Ukrain ah, oo ay ku jiraan shanta taliye ee hogaaminayey difaaca Ukraine ee magaalada dekadda leh ee Mariupol horaantii sanadkan.

Dhinaca kale, Ukraine waxay dib u celisay 55 Ruush ah ,dad Ukraine ah oo taageersan Moscow iyo Viktor Medvedchuk, oo ah hoggaamiyaha xisbiga la mamnuucay ee Ruushka taageersan, kaas oo lagu eedeeyay khiyaano qaran.

Is-dhaafsiga maxaabiistaan waxaa heshiiska laga gaaray gacan ka geystay madaxda Sucuudiga iyo Turkiga,