Sacuudiga oo wax ka bedelay sharciyada Shaqada.

0
389

Baladweyne (Radio Beerlula)-Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo wax looga bedelayo xeerka shaqada.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu taageerayo xuquuqda shaqaalaha isla markaana lagu dardar-galinayo soo jiidashada maalgashiga iyo shaqaalaha xirfadda leh.

Nidaamkan ayaa Meesha ka saaray sharcigii hore oo ahaa in qofka ajanbiga qof kale uu masuul ka noqdo marka shaqada uu bilaabayo iyadoo sharcigan uu dhigayo in  qofka shaqaalaha iyo qofka loo shaqeynayo ay galan heshiis ku saabsan hanaanka loo qabanayo shaqada.

Sharcigan ayaa dhaqan gelin doonaa sannadka soo socda 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here