Saldhiga booliska magaalada Beergadiid ee gobolka Hiiraan oo xariga laga jaray

0
31

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska gobolka Hiiraan Gaashanle Muuse Cabdi Xayuuke , Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaadda degmada Matabaan Ducaale Aadan Garaase ayaa si wada jir ah xariga uga jaray saldhiga booliska Magaalada Beergadiid.

Munaasabadda xariga looga jarayay saldhiga booliska ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada booliska gobolka Hiiraan, guddoomiyaha dhalinyarada gobolka, waxgarad, iyo dhalinyaro.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.