Sara u kac ku yimid qiimaha la iibiyo balka ee Baladweyne

0
421

Baladweyne(Radio Beerlula)- Qiimaha la iibiyo balka suuqyada magaalada Baladweyne ayaa sara u kac laga dareemaya kadib markii uu biyo yareeyay webiga shabeelle ee dhaxmara qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Biyaha webiga shabeelle ayaa inta badan lagu buura dalagyada ka soo goa beeraha gobolka iyadoo xiligan beeraleyda uu sameyn ku yeeshay  biyo yarida uu sameeyay webiga shabeelle.

Qaar ka mid ah ganacsatada iibiya balka ayaa Radio Beerlula u sheegay in sara u kaca ku yimid qiimaha la iibiyo balka ay sabab u tahay biyo yarida webiga shabeelle taasoo meesha ka saartay in la tacbo beeraha.

 Qaar ka mid ah shacaba  magaalada Baladweyne  islamarkana xoolohooda balka u iibiya ayaa sheegay in sameyn weyn ku yeelatay sara u kaca ku yimid qiimaha la iibiyo balka.  

Warbixintan waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here