Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo tababar ku saabsan sara u qaadista xirfaddaha loogu diray dalka dibadiisa.

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka dibaddiisa u dirtay saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha booliska, ayada oo maanta Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin uu xaflad sagootin ah ugu sameeyayay xarunta taliska.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq