Roobabkii Guga oo ka curtay gobolka Hiiraan.

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka curtay roobabkii Guga kaasoo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada kadib kuleyl daran oo ka jiray gobolka bilihii la soo dhaafay.

Roobkan ayaa socday ku dhawaad 10 saacadood taas oo keentay in biyo mareenada laga hergeliyay magaalada ay wabiga ku shubaan daadadkii kasoo rogmaday xaafaadaha iyo duleedka magaalada.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin