Shantii cutub ee ugu dambeysay dastuurka dalka oo dib u eegis lagu sameeyay.

0
340

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddiga Dastuurka  labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  kala wareegay Guddiga Madaxbanaan ee Dastuurka shanti cutub ee ugu dambeysay dastuurka Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay.

Muumino sheikh Cumar Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dastuurka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameeyay dhammaan cutubyada uu ka kooban yahay dastuurka dalka islamarkana wixi hadda kadib gobollada loo tagi doono wadatashi iyadoo ka dalbadatay madaxda maamul gobolladayada in la siyaasadeyn arrimaha dastuurka islamarkana loo fududeeyo guddiga howlahooda.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka labada gole ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xassan Cawaale qeybdiid ayaa sheegay in qodobada ku jira dastuurka qaarkood u baahan yihiin wada xaajood  siyaasadeed in laga galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here