Wasiiro beeniyay inay wadeen qorshe ay ku dili rabeen madaxweyne ku-xigeenka Kenya

0
381

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiir ka tirsan dowladda Kenya ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ahaa inuu waday qorshe uu ku dili rabay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, sida uu ku warramay wargeyska The Standard.

Wasiirka ganacsiga Kenya, Peter Munya iyo saddex wasiir oo kale ayaa tegay xarunta dambi baarista si wax looga weyddiyo eedeymaha ah inay u hanjabeen madaxweyne ku-xigeenka Kenya.

Waxaa lagu eedeeyay mas’uuliyintani inay yeesheen kulan qarsoodi ah.

“Waxaan caddeynay in aysan jirin goob aan kulan qarsoodi ah ku yeelanay, oo ku saabsan arrintaas” ayuu yiri Munya.

Dhanka kale, wargeyska Daily Nation ayaa ku warramay in afarta wasiir looga yeeray xarunta dambi baarista si su’aalo looga weyddiyo eedeymaha ah inay doonayeen inay hor istaagaan dadaallada madaxweyne ku-xigeenka uu ku doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada sannadka 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here