Xirfadlayasha Farshaxanka Baladweyne oo sameyn kala kulmay tiknolojiyada casriga

0
497

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyarada ku shaqeysta xirfadda farshaxanka ama arts-ka islamarkana ku nool magaalada Baladweyne ayaa waxaaa shaqadooda sameyn ku yeelatay tiknolojiyadda casriga ah.

Dhalinyaradan oo inta badan markii hore darbiyada ama goobaha ganacsiga ku sawiri jiray alabaha lagu iibiyo dukaamada,  ayaa hadda sameyn kala kulmay shirkaddaha wax daabaca taasoo keentay in ganacsatadii shaqooyinkan loo qaban jiray ay ka doorbidan in darbiga wax lagu sawiro inay soo daabacdan boorar ay ku sawiran yihiin waxyabaha ay iibiyaan.

Cali Xassan Cali  iyo  sharmarke Cabdi Cabdulle oo ka mid ah dhalinyaradan ku shaqeysata xirfaddan ayaa Radio Beerlula u sheegay in shaqo la’aan ay soo food saartay kadib markii la hirgeliyay shirkadda wax daabaca.

Warbixinta waxaa noo heysa Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here