Xisbiga madaxweyne Erdogan oo guuldarro la kulmay.

0
323

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xisbiga haya talada dalka Turkiga ayaa ku guuldareystay doorashada duqa magaalada Stanbul oo ay aheyd mid ku celis ah, waxay arrintani dhabar jab weyn ku tahay madaxweyne Erdogan.

Hoggaamiyaha musharraxa mucaaradka doorashada duqa Istanbul, Ekrem Imamoglu ayaa ku guuleystay codad gaarayo 775,000, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah.

Musharrixii ka socday xisbiga madaxweyne Erdogan, Binali Yildirim horeyna u ahaa ra’iisul wasaarihii dalkaas ayaa aqbalay guusha mucaaradka.

Waxaa bishii Maarso ee sannadkan la qaadacay natiijadii doorashada duqa magaalada Istanbul kaddib markii ay jireen eedeymo isdaba marin ah.

Guusha ay gaareen mucaaradka ayaa waxay soo afjareysaa hoggaankii Istanbul ee xisbiga AKP 25 sanno ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa u hambalyeeyay Ekrem Imamoglu oo ku guuleystay doorashada, sida lagu sheegaynatiijada horudhaca ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here