Xubno ka tirsan maamulka degmada Baladweyne oo kormeer ku tagay deegaano hoos taga Baladweyne.

0
375
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde oo uu weheliyo isku duwaha wasaaradda tamarta iyo Hirshabeelle  ee gobolka Hiiraan ayaa kormeer ku tagay deegaano dhanka waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne.

Deegaannada xubnahan ay booqdeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Hiiraan Bile.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Hiiraan Bile ayaa ka waramaya baahiyaha xiligan ka jira deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food Cadde iyo isku duwaha wasaaradda Tamarta Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cawil Maxamed Jibriil, ayaa si wada jir ah u sheegay in baahiyo kala duwan ay ka jiran deegaanka Hiiraan Bile islamarkana ka dalbaday hay’addaha samafalka inay caawiyaan dadka  danyarta.Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay sharuudaha iyo tilmaamaha looga baahan yahay inuu soo maro ardeyga ka qeyb galaya imtixaanka shahaadiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here