Xulka Netherlands oo markii ugu horreysay iska xaadiriyey kama dambeysta Koobka Adduunka Dumarka ee 2019 kaddib markii ay guul ka gaareen dhiggooda Sweden.

0
340

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kulankan oo ka tirsanaa afar dhammaadka Koobka Adduunka haweenka ayaa ahaa mid la isku daalay iyadoo 90-ka daqiiqo lagu kala bixi waayey barbaro 0-0, inkastoo fursado fiican la isku helay labada dhinaca.

Yeelkeede, waxaa loo baahday in labada xul la kala saaro, waxaana ciyaarta lagu kordhiyey 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Intii lagu guda jiray wakhtiga dheeriga ah ee ciyaarta lagu kordhiyey (extra-time) ayay xulka Holland la yimaadeen goolka qura oo ay guusha ku qaateen, waxaana xulka Orange u dhaliyey 99’daqiiqo xiddigta lagu magacaabo Jackie Groenen, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 looga adkaaday Gabdhaha Sweden.

Xulka qaranka gabadhaha Netherlands ayaana sidaas taariikh cusub ku sameeyey kaddib markii ay caawa gaareen markoodii ugu horreysa taariikhda final-ka Koobka Adduunka dumarka.

Kama dambeysta Koobka Adduunka dumarka ayay gabadhaha Netherlands la ciyaari doonaan dhiggooda Mareykanka, waxaana xusid mudan in USA ay difaacanayaan koobka sanadkan, waxaana kulankan la ciyaari doonaa 07 bishan July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here