Bar online ah oo dadka reer Ukraine ku soo gudbin karan cabashooyinkooda oo la sameeyay.

0
34

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xulafada Ukraine oo ku shirsan magaalada Hague ayaa si rasmi ah u furay bog internet ah oo dadka reer Ukraine ay iska diiwaan gelin karaan si u dalbadaaan waxyeelada hantidooda soo gaarto inta lagu jiro duulaanka buuxa ee Ruushka.

Saraakiishu waxay filayaan ilaa toban milyan oo codsiyo noocan oo kale ah in la diiwaan giliyo.

Bartan waxay dhawaan dabooli doontaa qaybo kale, oo ay ku jiraan “dhimashada qaraabo dhow, dhaawac, jirdil ama xadgudub galmo, iyo barokac aysan raali ka aheyn.

” (Shirkadaha iyo dawladda Yukreen waxay awood u yeelan doonaan inay soo gudbiyaan magdhowga sheegashooyinka kaabayaasha muhiimka ah iyo khasaaraha ganacsiga.)

Magdhawga waxaa maalgilin doona afartan waddan iyo Midowga Yurub.
Doodda hadda taagan ayaa ah in balaayiin doolar oo hantida Ruushka ah ee lagu xayiray Galbeedka la isticmaali karo.