Man United iyo Bayern Munich oo ku daggaalamaya saxiixa xiddig soo jiitay indhaha kooxaha ugu waa weyn Yurub

0
214

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United iyo Bayern Munich oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig soo jiitay indhaha kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Xiddigga da’da yar ee reer Mexico Hirving Lozano ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu waa weyn Yurub kaddib qaab ciyaareedkii wacnaa uu soo bandhigay, waxaana kooxahaas ka mid ah Manchester United iyo Bayern Munich.

Hirving Lozano oo 24 jir ah, wuxuu ku fiican yahay inuu ka ciyaaro booska garabka midig, waxaana uu qandaraas kula jira Napoli ilaa June 2024.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday SportSkeeda, qandaraaska uu kula jiro xiddiga reer Mexico ayaa ku kici doona ilaa 30 million euros, waxaana warbixinta lagu sheegay in kooxaha Leipzig, Bayern Munich, Everton iyo Manchester United ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan adeegiisa.

Warbixinta ayaa lagu xusay in maamulka Manchester United ay bartilmaameed ka dhiganayeen saxiixa Hirving Lozano, tan iyo wakhtiyadii ay kooxda maamulayeen macalimiintii Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjær.