Real Madrid oo ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto xiddig aad muhiim uga ah Manchester City

0
190

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wargeyska “Sport” ayaa sheegay in maamulka Real Madrid ay jeclaan lahaayeen inay la soo saxiixdaan xiddiga kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Portugal ee Joao Cancelo, marka la gaaro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Joao Cancelo oo 28 jir ah, ayaa maanta noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, kaddib markii uu xagaagii 2019 u wareegay Manchester City, isaga oo kaga soo biiray Juventus.

Wargeyska ayaa tilmaamay in maamulka Real Madrid ay kala xaajoon doonaan Manchester City si ay u helaan adeega Joao Cancelo xagaaga soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in heshiiska uu kula jiro daafaca reer Portugal ee Joao Cancelo kooxda Man City uusan ahayn mid fudud, haddii ay dhacdo inay ogolaadaan inay iibiyaan waxay codsan doonaan lacag badan si ay kaga maarmaan adeegiisa.

Waxaa xusid mudan in heshiiska Joao Cancelo ee kooxdiisa Manchester City uu dhacayo xagaaga 2027.