Real Madrid Oo Bilowday Hawlgalka Kylian Mbappe

0
52

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhaxda u xidhatay in ay la saxeexato xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, waxaana laba maalmood kaddib ay miiska la fadhiisan doonaan laacibkan iyo wakiilladiisa iyaga oo jawaabtana heli doona laba usbuuc kaddib.

Kylian Mbappe oo qandaraaska uu kula jiro PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa waxa uu xor u yahay inuu la xaajoodo kooxda uu doono oo uu heshiis hordhac ah lasii gaadho, isaga oo si bilaash ah ugu wareegaya bisha June.

Real Madrid oo sidan oo kale u filanaysay inay si bilaash ah ula saxeexan doonto Mbappe sannadkii 2022, ayaa uu ka doortay weeraryahankani in uu sii joogo Parc des Princes, kaddib cadaadis badan oo kaga yimid dhinacyo badan, sida Madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron, wasiirro saamayn leh iyo taageereyaasha xulka qaranka iyo kuwa PSG.

Laakiin laacibkan ayaa hadda joojiyey wada-hadallo maalmo ka hor ay isku dayday in PSG ay la yeelato, sidoo kalena waxa uu meesha ka saaray inuu dhaqangeliyo sannad kale oo dookh ahaa oo ku jiray qandaraaskiisa hore.

Sida uu shaaciyey wargeyska The Athletic, Real Madrid ayaa la kulmi doonta Kylian Mbappe maalmaha soo socda, waxaanay u bandhigi doonaan dalab ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan Real Madrid, laakiin ka hooseeya mushaharka uu laacibkani ka qaato PSG.

Mbappe oo illaa carruurnimadiisii ku riyoonayay inuu u ciyaaro Real Madrid, ayaa waxa hawlgalka lagu soo xero-gelinayo si toos ah ula wareegaya Florentino Perez, waxaase go’aanka kama dambaysta ah ay Real Madrid ka sugaysaa Mbappe 15ka January.