Southampton oo garoonkeeda Saint Mary’s guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Chelsea

0
229

Baladweyne (Radio Beerlula)-Southampton ayaa garoonkeeda Saint Mary’s guul soo laabasho ah kaga gaartay Chelsea, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 23-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Raheem Sterling.

Laakiin 28 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Southampton ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Roméo Lavia.

Daqiiqadii 45 + 1 Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Adam Armstrong oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Romain Perraud.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Southampton kooxda Chelsea oo marti ugu ahayd garoonka Saint Mary’s.