Bayern Munich Oo Camp Nou Ku Dhex Dubatay Barcelona

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Bayern Munich ayaa xaalka ku sii xumaysay kooxda Barcelona kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa tartanka champions League.

Bayern ayaa Barcelona dhabarka u saartay guuldaradii 3-aad ee tartanka champions League xilli ay Barcelona champions League ku macasalaamaysay Guuldaro.

Barcelona ayaa kulanka soo gashay iyaga oo ogaaday in ay ka hadheen champions League xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay u ciyaarayeen sharaftooda.

Bayern ayaa ahayd kooxda ku fiican dhinac walba xilli ay Barcelona u muuqatay kuwo aan doonayn in ay wax natiijo ah kala baxana kulanka.

Daqiiqadii 10-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona ayaa samaynaysay fursadaha laakiin waxa ay ku hor dhibaatootay goolka hortiisa iyada oo Lewandowski ku dhibaatooday in uu gool ka dhaliyo kooxdiisii hore.

kooxda Bayern Munich ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Eric Maxim Choupo-Moting kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Bayern Munich ku hogaaminayso.

Kooxda Barcelona ayaa loo dhigay rikoodhe daqiiqadii 44-aad laakiin Rikoodhada ayaa la diiday kadib markii dib loogu laabtay VAR.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Bayern Munich ahayd kooxda fiican waliba u qalantay in ay goolal intaas ka badan ka dhaliso Barcelona.

Qaybta dambe ayay Bayern sii waday in ay u awood sheegato kooxda Barcelona kuwaas oo u muuqday qaar aan dan ka lahayn kulanka.

Bayern Munich ayaa daqiiqadii 55-aad dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Gnabry laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga Kimmich oo kubada soo dhigay.

Labada kooxood ayaa sii waday is dhaafsiga fursadaha xilli ay mid walba doonaysay in ay dhaliso gool xilli ay Bayern ahay kooxda awooda badan una awood sheeganaysay Barcelona.

Arinta ceebta ku ah Barcelona ayaa ah in ayna wax kubad ah ku laadin goolka kooxda Bayrn inkasta oo ay guud ahaan laadeen 7 gool laakiin goolalkaas ayaa cirka wada marayay.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaay kooxda Bayern Munich dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pavard kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Bayern ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich ku dubatay Barcelona oo joogta garoonkeeda xilli Barcelona guuldaro ku macsalaamaysay champions League una laabatay Europa League.