Rayo Vallecano oo saddexda dhibcood ka qaadatay Real Madrid oo marti u ahayd

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Rayo Vallecano ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay Real Madrid oo marti ugu ahayd garoonka Estadio de Vallecas, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, ciyaar qeyb kahayn kulammada horyaalka La Liga ee Toddobaadkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Rayo Vallecano iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 5-aad kooxda martida loo ahaa ee Rayo Vallecano ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Santi Comesaña, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Fran García.

37 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badelay oo ciyaarta barbardhac 1-1 ah ka dhigay Luka Modrić.

Laakiin daqiiqadii 41-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Éder Militão oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Marco Asensio.

44 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Rayo Vallecano ayaa dhalisay goolka barbardhaca, iyadoo uu barbardhac 2-2 ah ka dhigay Álvaro García, waxaana ka caawiyay goolkan Isi Palazón.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad Rayo Vallecano ayaa markeeda loo dhigay rigoore waxaana hoggaanka u dhiibay oo gool ka dhigay weeraryahankooda Óscar Trejo, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 3-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Rayo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Rayo Vallecano, kooxda Real Madrid oo marti u ahayd. Los Blancos ayaa kaalinta labaad ku jirta waxayna 2 dhibcood ka hooseeyaan hoggaamiyaasha horyaalka ee Barcelona.