Fayras cusub oo ka dillaacay Shiinaha

0
183

Baladweyne (Radio Beerlula)-Seynisyahannada caafimaadka ee Shiinaha ayaa u kuur galaya fayras cusub oo kasoo gudbay xayawaanka kaasoo ka dillaacay dhinaca dhinaca bari ee dalkaas.

Tobannaan qof ayuu ku dhacay fayraskan, ilaa hadda.

Fayraskan oo lagu magacaabo “The novel Langya henipavirus (LayV)” ayaa laga helay 35 qof oo bukaan ah oo ku sugan gobollada Shandong iyo Henan.

Inta badan dadka ayaa lagu arkay calaamado ay ka mid yihiin qandho, daal xad-dhaaf ah iyo qufac
Waxaa la aaminsan yahay in bukaannadu ay fayraska ka qaadeen xayawaanno.

Hase yeeshee ilaa hadda wax caddayn ah looma hayo in fayraska LayV ay bani’aadanka isu sii gudbin karaan.

Cilmi-baareyaasha ayaa ogaaday in fayraskan uu u xayawaanka afka qalaad lagu dhaho “shrews” oo u eg mid ay Soomaalidu u taqaan “walo-sandheer”.

Xogta ku saabsan hlista fayraskan cusub ayaa lagu sheegay warqad ay si wadajir ah u qoreen seynisyahanno kasoo kala jeeda Shiinaha, Singapore iyo Australia, waxaana bishan lagu daabacay Majalladda “New England Journal of Medicine”.

Mid ka tirsan cilmi-baareyaasha, oo lagu magacaabo Wang Linfa, oo ka socda Dugsiga Caafimaadka Duke-NUS ee Singapore, ayaa wargayska dowladda Shiinaha ee Global Times u sheegay in kiisaska LayV ee ilaa hadda la helay aysan ku jirin dhimasho ama xanuun halis ah, sidaas darteedna “aan loo baahnayn in la argagaxo”.